Dadadkan oo ah kuwo xooggan ayaa waxaa ku dhintay, 18 ruux halka qaar kalena wali la la’yahay, waxayna ka dhasheen roobab waaweynoo ka da’ay halkaasi islamarkaana booxiyay wabiyaal badan, kuwaasooo ugu dambeyntii fatahay.
Maraka laga soo tago dadka ku dhintay daadadkan waxay sido kale sababeen bururka guryo, buundooyin, iyo dhul go’.
Wadanka Montenegro ee dhaca Koofurta Boosniya ayaa sido kale laga soo sheegayaa in daadad ku dhufteen meelaah qaar, kuwaasoo sababay iney go’aan wadooyin islamrkaana ay biyu galaan guryaha.
Daadadkan ayaa sababay in uu yaraado isku socodka gaadiidka iyo dadka, maadaama ay wadooyinkii ku burbureen biyaha qulqulaya.