Dab ka dhashay koronto oo shalay ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed.
Wiil da’diisa lagu sheegay 4 Sano, ayaa ku dhintay dabka, halka wararka qaar ay sheegayaan, iney 2 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada Muqdisho, waxaana sido kale basbeelay gurigii iyo hantidii dhextiilay.
Qaar kamid ah ehelka iyo dadkii ka agdhawaan goobta uu dabku kacay qaarkood ayaa la hadlay warbaahinta, waxayn kawarrameen sida ay wax dhaceen.