Habeenkii xalay waxaa uu dab xooggan ka kacay suuqa ugu weyn ee dalka Itoobiya oo ku yaalla magaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalkaas.
Goobo ganacsi oo badan ayaa lasoo warinayaa iney ku basbeeleen dabkaan xalay ka kacay suuqa ugu weyn ee ku yaalla dalka Itoobiya.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay baaxadda uu la egyahay dabka, illaa iyo haddana lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay iyo waxa uu sababay intaba.