Dadka ku nool deegaannada Galoolay ilaa Kaam-barwaaqo ee hoostaga magaalada Gebiley oo kamid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland, ayaa waxaa heysta dhibaatooyin kala duwan oo xaga nolosha ah.
Dadka ayaa ka cabanaya biyo la’aan heysta, iyadoo ceelka keliya ee biyaha laga helo uu u jiro 8 kiilomoter. Waxay sidoo kale ka sheegteen in deegaannadoodu aaney lahayn xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.