Shacabka magaalada Gaarisa ayaa dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayaan biyo la’aanta ka jirta magaaalada.
Illaa lix xaafadood oo kamid ah magaalada Gaarisa ayaa biyo la’aan darani ka jritaa, dadka magaalada ayaana maalintii shalay isugu soo baxay bananabax xoogan, iyagoo dalbaday in dhibaatadan wax laga qabto.
Laakiin maamulka Gaarisa ayaa sheegay inaaney xilligan waxba ka qaban karin biyo la’aantan, illaa laga gaaro sanadka cusub ee 2025-ka, xilligaas oo ay miisaaniaydda dowladda Kenya ka codsanayaan in lagu daro biyo gelin loo sameeyo xaafadaha Gaarisa ee ooman.
Wasiirka biyaha iyo waraabka ee maamulka Gaarisa ee dowladda Kenya, Axmed Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay ineysan waxba qaban karin xilligan.