Dagaal khasaare dhaliyay ayaa askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed iyo maleeshiyaadka macawiisleyda ku dhexmaray, tuulo hoostaga degmada Wanwaleyn ee gobalka Sh-hoose.
Ugu yaraan 4 ruux oo kamid ah dhinacyada dagaallamay ayaa ku dhimatay, 3 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalkaan oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Dacarta oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobalka Sh-hoose, waxaana uu salka ku haya muran la xiriira dhulbeereed.
Waxa uu dagaalku dhex maray maleeshiyaad hab qabiil u abaabulan oo ka kala tirsan kuwa Maciisleyda, iyo askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo iyaguna lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin dagaalka.
Labadaan dhinac ayaa marka laga yimaado dirirta dhexdooda ah, waxa ay isbaarooyin iyo dhibaaato kale ku hayaan dadka, waxaana dagaaalkii dhacay iyo arrimahaasi sharraxaad ka bixinaya mid kamid ah dadka degaaanka.
Halkaan ka Degso Warka Dagaalka