Dagaallo udhaxeeya ciidamada Suudaan iyo malleeshiyaadka RSF ayaa maanta ka dhacay magaalada Khartuum ee caasimadda wadanka Suudaan.
Dagaalladan oo ahaa kuwo adag ayaa la isku adeegsaday hubka culus, waxayna ka dhaceen mandiqadda Khartuun Baxri iyo Bariga Niil.
Tani ayaa kusoo aadeysa, kadib markii diyaarado Drone ah oo ay leedahay dowladda Suudaan ay duqeeyeen, goobo ay degan yihiin malleeshiyaadka RSF oo ku yaalla gudaha Khartuum.
Duqeyntaan ayey warbaahintu tebineysaa iney burbur ugeysatay goobihii ciidan ee ay beegsatay, waxaana la arkayay qiiq iyo uuro cirka isku shareeray oo ka baxaya dhowr goobood oo ay degan yihiin malleeshiyaadka RSF.
Dhinaca kale ciidamada Suudaan ayaa wali go’doon ku haya magaalada Sanjat oo ah xarunta gobolka Sanaar ee wadanka Suudaan.
Halkaasi waxaa isku horfadhiya malleeshiyaadka RSF iyo askarta Suudaan, wallow ay Suudaan sheegatay iney dib ula wareegtay qeybo badan oo kamid ah magaalada.
Shacabka wadanka Suudaan ayaa wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo ay usii dheer tahay cnunto yari cudurro ku faafaya gudaha wadanka, iyo goobihii caafimaadka oo gabaabsi ah sababo ku addan dagaallada kasocda dalka.