Dagaal ayaa deegaanoo katirsan dhulka uu ka arrimiyo maamulka Puntland ku dhex maray ciidamo katirsan maalinkaas iyo kooxo hubeysan.
Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaaa iska hor’imaad ka dhacay degmada Qandala iyo deegaanka Xaabo oo kamid ah deegaannada xeebaha ee gobalka Bari, kaas oo udhexeeyay ciidamada maamulka la baxay Puntland iyo kooxo hubeysan.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ay ciidamad Badda ee maamulka la baxay Puntaland weerar ku qaadeen doon ay wateen dad kalluumeysato ah oo ku sugneed xeebaha degmada, taas oo ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen.
Intaasi kadib, kooxaha hubeysan oo ka careysan doonta laga qaatay ayaa waxay iyagana deegaanka Xaabo ee gobalka Bari ku qabsadeen doon kale, waxaana lasoo warinayaaa in xiisado ay ka taagan yihiin deegaanadaas.