Waxaa dalka Koonfur Africa kusii xoogeysanaya dilalka ay burcadda Koonfur Afrikaanka ah ah ugeysanayaan dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.
Saacadihii lasoo dhaafay, burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ayaa waxa ay gudaha dalkaasi ku dileen, mid kamid ah ganacsatada Soomaalida.
Dilka ninka ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Cali ayaa waxa uu ka dhacay, degaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Burkacadda ayaa waxa ay Cabdi ku weerareen xaruntiisa ganacsi, iyagoo ugu dambeynna ku dhex dilayn meharaddiisa.
Ciidamo katirsan boliska dalkaasi ayaa dilka kadib yimid goobta, kuwaas oo sameeyay baaritaanno, walow had iyo jeer lagu dhaliilo ineysan waligood gacanta kusoo dhigin burcadda dilalka geysaneysa.
Isla dalka Koonfur Africa, waxaa ay burcad hubeysan degaan hoostaga magaalada Johannesburg ku dhaawaceen, nin lagu magacaabo Xuseen Qalaafe.
Kooxaha dalka geystay ayaa waxa ay dhac ka geysanayeen xarun ganacsi oo ku yaalla magaalada Johannesburg, wiilka ay dileen ayaana ku sugnaa xaruntaas.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacayay, dilalka iyo dhaca ay burcadda ugeysanayaan ganacsatada iyo dadka Soomaalida ah ee dalkaasi nool.