Israsaaseyn ayaa magaalada Boosaaso ku dhex martay ciidamo kawada tirsan maamulka la baxay Puntland.
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ku waramaya, in is rasaaseyn khasaare dhalisay ay ka dhacday gudaha magaaladaas.
Israsaaseynta ayaa udhexeysay ciidamo kawada tirsan maamulka la baxay Puntland, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno PSF iyo ciidanka Badda ee maamulkaasi.
Ugu yaraan hal askari oo kamid ah ciidanka la baxay PSF ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay israsaaseyntaan ka dhacday magaalada Boosaaso.
Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaruhu uu intaasi ka badan yahah, walow aanan tafaasiil rasmi ah laga heynin.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafayba ay magaaladaan iyo degaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ay ka taagnaayeen xiisado colaadeed, kuwaas oo udhexeeya maamulka, halka qaarkoodna lagu eedeeyay iney ka dambeyso Dowladda Fedaraalka.