Goordhaw bayaan kasoo baxay kooxaha Muqaawamada ee Falastiiniyiinta ayaa looga hadlay, warar saacadihii lasoo dhaafay qabsaday warbaahinta caalamka, kuwaas oo sheegayay dilka Hogaamiyihii kooxahaas.
Maamulka gumeysiga Yahuudda ayaa sheegtay, inuu marinka Qaza ku dilay Yaxya Sinwaar oo ahaa hogaamiyihii guud ee Muqaawamada, bayaanka kasoo baxay kooxaha wax iska caabinta ayaana looga hadlay arrinkaas.
Waxa ay Muqaawamadu xaqiijiyay dilka hogaamiyahoodii guud ee Yaxya Sinwaar, kaas oo ay tilmaameen in isaga iyo rag kale oo la socdayba lagu dilay iska hor’imaad ay ciidamada Yahuudda kula galeen marinka Qaza.
Siwaar ayay Muqaawamadu sheegtay in wax ka badan 20 sano uu cimrigiisa kusoo qaatay xabsiyada maamulka Yahuudda, tan iyo markii uu kasoo baxayna uu qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Sahaayinada.
Waxaa dilka Sinwaar ka horreeyay Ismaaciil Haniyah oo isana kamid ahaa, masuuliyiinta ugu sarreysa ee kooxaha Muqaawamada Falastiniiyiinta, kaas oo uu maamulka Yahuudda ku dilay weerar uu ka geystay dalka Iiraan.