Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada-hoose ayaa wajahaya shaqo la’aan, taas oo saameyn ku yeelatay noloshooda.
Dhalintaan oo isugu jirta kuwa waxbarashada dhameeyay iyo qaar kale ayaa waxa ay si isku mid ah ujawahayaan shaqo la’aanta ka jirta magaalada.
Waxa ay sheegeen in hadda uusan jirin mid kan kale wax dhaama oo ay isku heer yihiin, iyagoo ka warrmay cawaaqibta ka dhalan karta arrintaan.