Dowladda Fedaraalka ayaa la sheegay iney burburin rabto mid kamid ah masaajidda ku yaalla magaalada Mqudisho.
Masjidkaan oo ku yaalla xaafadda Kalluunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dadka halkaasi ku dhaqan sheegayaan, in Dowladda Fedaraalka ay wado qorshe ay ku burburineyso Masjidka.
Waxa ay tilmaameen in Masjidka dhismisiisa la billaabay 1993-dii, illaa iyo haddana ay ku cibaadeysanayeen dadka xaafadda, ayna wax ku baran jireen ardayda iyo dadka degaanka.