Xillibaan Yuusuf Xasan oo kamid ah baarlamaanka Kenya, ayaa tilmaamay in gacanta lagu hayo qaar kamid ah raggii ka dambeeyay dilkii naxdinta badnaa ee dhawaan Nairobi loogu geystay saddex haween SOomaali ah oo isku qoys ahaa.
Wuxuu ku baaqay in lasoo qabto kuwa maqan, isagoo intaa ku daray iney muuqato daciifnimada dowladda Kenya, oo aaney sugi karin amniga dadka.