HomeAll newsDowladda Masar: "Waxaan Wadnaa Dhaq-dhaqaaqyo ka Dhan ah Biyo Xireenka Itoobiya".

Dowladda Masar: “Waxaan Wadnaa Dhaq-dhaqaaqyo ka Dhan ah Biyo Xireenka Itoobiya”.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Masar Badar Cabdil Caadhi, ayaa sheegay in dowladda Masar aaney indhaha ka fiirsan doonin biyo xireenka ay dowladda Itoobiya ka dhistay webiga An-Niil, kaasoo uu sheegay inuu dhibaato kusoo kordhiyay muwaadiniinta Masaarida.

Wuxuu tilmaamay in biyo xireenkaasina aanu ku tilmaami karin biyo xireenka horumarka, balse uu yahay biyo xireen ay Itoobiya leedahay, dowladda Masarna ay marar badan sheegtay iney tallaabo ka qaadi doonto.

“Dowladda Masar waa dowlad xeelado badan iyo tabo badan heli karta, biyo xireenkaasina maku tilmaami karo biyo xireenka An-nahda, balse waa biyo xireen Itoobiya leedahay, wuxuuna saameyn ku yeeshey Masar, waxaan wadnaa dhaq-dhaqaaqayo, qasabna maahan tallaabo weliba inaan shaacinno, laakiin waxaan ku dadaaleyno waa inaan yareyno illaa maa xad dhibaatada uu biyo xireenkaasi nagu leeyahay” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda dalka Masar.

Warkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli gobolka ay ka taagantahay xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Masar, taasoo sii xoogeystay markii dowladda Masar ay iskaashi difaac la saxiixatay Dowladda Federaalka, sheegteyna iney ciidamo usoo diri doonto Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular