Diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah, waxay duqeymo ka fuliyeen xaafado kamid ah magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan.
Duqeymaha oo tiradoodu gaarayaan illaa 8 duqeyn, ayaa lagu beegsaday xaafadda koonfureed ee magaalada Beyruut, waxaana ay dhaliyeen khasaare dhimasho, mid dhaawac iyo burbur intaba.
Dhinac kale, waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Yahuudda ku gaaraya dagaalka ka socda Lubnaan, labadii maalmood ee lasoo dhaafeyna ciidamada Yahuudda waxay qirteen in looga dilay 15 askari.
Marka lagasoo tago askarta la dilay, waxaa war kasoo baxay ciidamada Yahuudda lagu qirtay in 24kii saac ee lasoo dhaafay la dhaawacay 61 askari oo Yahuud ah, taasoo muujineysa khasaaraha culus ee gaaraya Yahuudda.