Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya, ayaa ku waramaya in diyaaradaha Shisheeye ay duqeyn ka fuliyeen deegaan katirsan gobolkaas, taasoo lagu beegsaday dad shacab ah.
Diyaaradaha Shisheeye ayaa duqeyn ay ka geysteen degaanka Cali Heele oo katirsan gobalka Galgaduud waxa ay ku dhaawaceen ugu yaraan 3 ruux oo rayid ah, kuwasoo lagu dabiibayo isbitaallada caafimaadka.
Waxay sidoo kale duqeyntu burburisay masjid ku yaalay deegaanka iyo ceel biyood ay ka cabaan dadka iyo duunyada, Dowladda Federaalka ayaana ku faantay falkan ay Shisheeyuhu geysteen.
Diyaaradaha aaney jirin cid la xisaabtanta ee Shisheeyaha ayaa Soomaaliya ka fuliya duqeymo arxan daran, oo ka dhan ah dadka maatida ah, iyagoo mar weliba dadka ay dilaan ama ay dhaawacaan ku sheega iney yihiin, xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Hoos ka Daawo Sawirrada