HomeAll newsDuqeyn Khasaare Ba'an Dhalisay oo Lagu Qaaaday Saldhig Ciidan oo Yahuuddu Leeyihiin.

Duqeyn Khasaare Ba’an Dhalisay oo Lagu Qaaaday Saldhig Ciidan oo Yahuuddu Leeyihiin.

Saldhig ciidamada Yahuuddu ku leeyihiin gobolka Xeyfaa ee wuqooyiga Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda, ayaa la kulmay weerar loo adeegsaday diyaarado drones ah.

Weerarka ayaa beegsaday saldhiga guutada Goolaani ee ku yaala magaalada Binyamiina, xilliga uu dhacayay ayaana ciidamada Yahuudda waxay ahaayeen kuwa isku soo xoomey, oo xilligaasi cunteynayay.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashey weerarka, iyadoo warbaahinta Yahuudda iyo madaxdoodaba ay isku dayayaan iney aad u qariyaan waxyeellada rasmiga ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka lagu dilay ugu yarana 4 Yahuud ah, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 67 qof, waxaana lagu tilmaamay inuu weerarku ahaa kii ugu khasaaraha badnaa muda sanad gudihiisa ah gaara askarta Yahuudda.

War kasoo baxay ururka shiicada ee Xisbullaah la magacbaxay ayaa lagu sheegay, in weerarka ay u adeegsadeen diyaarado raxan ah, ayna beegsadeen xerada tababarka ee Goolaani, iyagoona tilmaamay in weerarku jawaab u yahay duqeymaha Yahuudda ay ka geysanayaan dalka Lubnaan.

Diyaaradaha ay weerarka u adeegsadeen ururka shiicada, ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay iney ka dhuuntaan qalabyada bixiya digniinta gantaallada iyo diyaaradaha ee kuxiran deegaannada ay Yahuuddu xooga ku heystaan, tani oo muujineysa habacsanaanta nidaamka digniinaha ee Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular