HomeAll newsDuufaanta Milton oo Ku Dhufatay Xeebaha Gobolka Florida ee Maraykanka.

Duufaanta Milton oo Ku Dhufatay Xeebaha Gobolka Florida ee Maraykanka.

Shalay waxay dadka Ameerikaanka ah u ahayd maalin madow kadib markii ay ku dhufteen duufaanno wata dabeylo roobab iyo daadad aad uxooggan oo burbur xooggan ku geystay magaalooyinka waaweyn ee gobolka falorida ee dalka Mareykanka.

Muuqaallo laga soo duubay gobolkaasi ayaa muujinaya sid ay u egyihiin arrimaha halkaasi ka dhacaya iyo baaxadda ay leeyihiin, maadaama la arkayo magaalooyinkii oo ay burburinayaan duufaanno iyo dabeylo ay wehliyaan roobab xooggan oo cirka iyo dhulka isqabsaday, islalamrkaana kala qariyay magaalada gees ka gees.

Waxaa la arkayaa duufaan halmar badda ka kaceyso kadibna ku dhufaneysa dhismayaasha xeebta saran.

Duufaantan ayaa ah mid uu qofku ka argagaxyo marka uu fiirinayo, weyna ka weyntahay in qof uu maskaxdiisa ka suureysan karo marka loo sheego, hase ahaatee wuxuu la amkaagayaa marka uu arko.

Qeyladan iyo sawaxan dadka iyo dhawaqa duufaanta xooggan ayaa isku darsamay, iyadoo ay usii dheeryihiin dabelyo iyo roobab burburinaya halka ay soo maraan.

Magaalooyinku waxay isku bedeleen togag qulqulaya, wuxuuna qof caqligale markiiba garwsanaya, in arrinmahan aan soo sheegnay ay yihiin cadaab xagga Alle ka yimid oo ay mudan tahay iney ku cibro qaato Mareykanka awoodda isbiday ee dhibaatooyinka ka kuhaya dhamaan dadka ku noo Dunida.

Inkastoo aan wali la shaacin tiro koob rasmi ah oo laga sameeyay khasaaraha lixaadle ah ee soo gaaray Mareykanka, hadane wuxuu wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Mareykanka ku tilmaamay xaaladda ka taagan gobolka Falorida, mid ay dadka halkaasi ku sugan udhaxeeyaan nolol iyo geeri.

Dadka Mareykanku waxay ka barakacayaan musiibo rabaani ah oo xagga Alle uga timid, halka Muslimiinta reer qazza ay ka barkacayaan gumaadka ay ku hayaan Yahuudda iyo Mareykanka, waxaana muuqata in Mareykanka in uu ku dhacay habarkii Muslimiinta.

Gobolka Falorida ee wadanka Mareykanka ayaa kamid ah meelaha ay ku yaallaan saldhiyada ugu waaweyn ciidamada Cirka Mareykanka, waxaana kasoo duulaa diyaaradaha Ameerikaanka ee gumaadka ku haya Muslimiinta ku nool Caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular