Subaxnimadii arbacada Diyaaradda Turkish Airlines oo kasoo duushay magaalada Seetal ee dalka Mareykanka kuna sii jeeday Istanbuul oo ah caasimadda Turkiga, ayaa waxay si aan ku talagal ahayn ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada New York ee Mareykanka, kadib markii uu geeriyooday, duuliyii waday diyaaradda.
Duuliyan oo ahaa 59 jir islaamrkaana lagu magcaabijiray Iilitshihiin Bihilifaan, ayaa waxaa la sheegay in isaga oo wada diyaaradda uu miirdaboolmay sidaasina ku dhintay.
Diyaaradda uu waday ayaa nooceeda lagu sheegay A350, waxayn shirkadda iskaleh soo saartay bayaan ay uga hadashay dhacdadan.
Waxay sheegtay in duuliyuhu uu dhintay diyaaradda oo hawada kujirto islamarkaana uu garoonka New York ka dejiyay caawiyihiisa.