Majallada Ecominist ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, ayaa daabacday warbixin ku saabsan muranka la xiriira dekadaha, ee kajira mandiqadda Geeska Afrika, kaasoo sii xoogeystay wixii ka dambeeyay markii horaantii sanadkan dowladda Itoobiya ay is-afgarad la xiriira Badda Cas la saxiixatay maamulka labaxay Soomaaliland, ee ka jira wuqooyi galbeed Soomaaliya.
Sida warbixinta majalladu tilmaameyso, mandiqadda Geeska Afrika ee ay kamid yihiin dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Ereteria iyo Itoobiya, ayaa lagu tiriyaa deegaannada ugu xasradaha badan dunida.
Mandiqadda Geeska Afrika, ayaa marti gelisay sida warbixinta Economist tilmaameyso, dagaallo lagu riiqmay oo weli socda qaarkood, sida dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Ereteria, dagaallada sokeeye ee ka socda Itoobiya, iyo dagaal Jihaad ah oo daba dheeraaday, kaasoo ka socda Soomaaliya, wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.
Mandiqadda waxay xilligan marti gelineysaa kala jiidasho ay wadaan awoodo dibadda ah, oo doonaya in mid weliba ay gacanta ku dhigto ilaha dhaqaale iyo marin biyoodyada muhiimka ah ee Geeska Afrika, sida warbixintu tilmaameyso.
Mar ay warbixinta ay qortay majallada Economist taxliilineysa xaaladda mandiqadda Geeska Afrika, ayay ku sheegtay iney marti gelineyso siraac iyo loolan kulul, kaasoo dhalinaya walaac xoogan, kana duwan sidii horey looga bartay.
Xukuumadda Adis Ababa oo isku dayeysa iney ka faa’ideysto dekadda Berbera, ayaa tallaabada ay qaaday waxay keentay isku soo dhawaansho iyo is xulufeysi dhexmaray Ereteria iyo Dowladda Federaalka, iyadoo awoodo gobolka ahna ay dhinacayda la kala safteen, kuwaasoo laga xusi karo Masar, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta.
Iyadoo weli aaney muuqanin tallaabooyin xal u ah khilaafka dhinacyada oo marba marka kasii dambeeya sii xoogeysanayay, ayay majallada Economist tilmaameysaa in tani ay sii hurineyso colaadda mandiqadda, siina xoojineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo hadaba cabsi gelineysa Dowladda Federaalka, iyo dalalka deriska ah.
Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Itoobiya u dhexeeya ayaa soo billowday, bishii January ee sanadkan, markii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen is-afgarad dhigaya in Itoobiya 20 kiilmoter laga siiyo Badda Cas, halka iyaduna noqoneyso dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada in maamulka Soomaaliland ka go’o Soomaaliya intiisa kale.
Tallaabadan ayaa ka caraysiisay Dowladda Federaalka, sida warbixintu sheegeyso, iyadoo sheegtay in maamulka Soomaaliland aanu geli karin heshiisyo noocaan ah, Xasan Sheekh Maxmuud ayaana dhowrjeer weerar afka ah ku qaaday Abiy Axmed, hogaamiyaha dalka Itoobiya, oo wax kayar sanad uu amaan u miisi jiray, kana dhigi jiray inuu yahay nabadoon usoo baxay geeska Afrika, oo ka shaqeyneysa horumarka mandiqadda.
Bishii September mar uu Xasan Sheekh Maxmuud, madaxweynaha Dowladda Federaalka la hadlay majallada Economist, wuxuu sheegay in dhamaan dalalka gobolka, ay ka walaacsanyihiin habdhaqanka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha faragelinta ku haya Soomaaliya, ayaa dhankeeda waxay sheegtay iney dhex-dhexaadineyso Dowladda Federaalka iyo Itooobiya, kulamo dhowrjeer ka dhacay Ankara ayaana fashil kusoo dhamaaday, sida majalladu sheegeyso.
Tallaabooyinka uu qaaday Xasan Sheekh Maxmuud waayadii u dambeysya, ayay majalladu ku tilmaameysaa kuwa dhalin kara isku dhac soo deg-dega oo dhexmara labada dhinac, tallaabooyinka ay xusteyn waxaa kamid ah go’aanka ay sheegtay Dowladda Federaalka iney dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya.
Tallaabada kale ee xiisadda sii kordhin karta, sida majallada Economist ee kasoo baxda dalka Ingiriiska tilmaameyso, waa heshiiska iskaashiga difaaca ee dhexmaray Xasan Sheekh Maxmuud iyo nidaamka afgembiga dalka Masar.
Sida ay sheegayaan diblumaasiyiin dhowr ah oo la hadlay majallada, iskaashiga difaaca ee Masar iyo Dowladda Federaalka, ayaa ka dhigan tallaabo sii adkeyn karta xaaladda, maadaama Itoobiya iyo Masar aaney isku wanaagsaneyn, xiisada la xiriirta biyo xireenka An-Nahdana ay dhulka la gashey xiriirka labada dal.
Taxliilaatka majallada Economist ay sameysay ee la xiriira xaalka gobolka, ayay ku sheegtay iney suuragal tahay in dhawaan uu hirgalo isbaheysi xaga difaaca ah oo saddex geesood ah, kaasoo ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo dowladaha Masar iyo Eretria.
Tani ayaa ka dhigan xiisad horleh, Abiy Axmed oo dareemayo kelinimo siyaasadeed ayaana waxaa suurogal ah inuu sii xejisto is-afgaradka uu la galay maamulka labaxay Soomaaliland.
Wuxuu sidoo kale qaadi doonaa tallaabooyin kale oo ka dhan ah Dowladda Federaalka, sida ay sheegeyso warbixinta, taasoo ah inuu soo dhaweysto, xiriir dhowna la yeesho maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya, ee diidan siyaasadda Xasan Sheekh Maxmuud, waana tallaabooyin ay horeyba u qaaday Adis Ababa, iyadoo tiro labo jeer ah inta la ogyahay hub kasoo gudbisay xad beenaatka labada dal.