Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo maalintii shalay gobalka Galgaduud ku dhexmaray, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Dagaallada oo lagu jabiyay askarta Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay ka dhaceen, degaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud.
Tirada askarta laga dilay Dowladda Fedaraalka ayaa gaartay 36 askari, kuwaas oo 31 kamid ah meydadkooda looga cararay goobta dagaalka.
Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalladaan kusoo furteen, 31 qori oo ay wateen askarta la laayay, rasaas iyo agabyo kale oo millatari.
Halkaan ka Degso Faahfaahinta Dagaalladii Ceeldheer