Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa ka dhacday arin naxdin leh, kadib markii gabar ay toorrey ku dishey walaasheeda.
Dhacdadan oo habeenkii xalay ka dhacday Guriceel, ayaa argagax ku beertay dadka magaalada, waxaana illaa iyo hadda la ogeyn waxay salka ku heyso.
Gabadha dishey walaasheed, ayaa markii ay falkan ku kacday kadib waxay tagtay saldhiga booliiska ee magaalada, iyadoo qiratay falka ay geysatay.
Taliyaha booliiska Guriceel, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay sida ay wax u dheceen.