Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed, ee ka shaqeysta gaadiidka, kuna sugan magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaaligalbeed ee ay Itoobiya xooga ku heysato, ayaa tilmaamay in dhac ballaaran loo geystay.
Ganacsatadan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in gawaaridoodii laga dhacay, maamulka Xabashida ugu magacaaban dhulka Soomaaligalbeedna uu kala wareegay dhowr bilood kahor, iminkana ay shaqo la’aan yihiin muda bilo ah.