Muuse Biixi, oo ah hogaamiyaha maamulka labaxay Soomaaliland, ayaa lagu soo waramayaa inuu u ambabixi doono dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono masuuliyiinta Itoobiya oo uu kamid yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa uu salka ku hayo safarka Muuse Biixi ku aadayo dalka Itoobiya, hadana waxaa wararka la helayo tilmaamayaan, in go’aanka safarkan uu yimid kadib kulankii saddex geesoodka ahaa ee dhawaan magaalada Asmara ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka, Masar iyo Ereteria.
Waxaa suurogal ah in Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ka wada hadlaan, sidii loo dardar gelin lahaa is-afgaradkii xaaranta ahaa ee ay horaantii sanadkan gaareen, kaasoo dhigaya in Itoobiya la siiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, halka maamulka labaxay Soomaaliland-na ay Itoobiya kala shaqeyneyso sidii uu uga go’i lahaa Soomaaliya inteeda kale.
Waxaa jira hadal-heyn xoogan oo tilmaameysa iney suuragal tahay in is-afgaradka loo bedelo heshiis rasmi ah, Abiy Axmed iyo Muuse Biixina ay si qota dheer uga wada hadli doonaan arinkaas, marka uu Muuse Biixi tago saacadaha iyo maalmaha soo socda magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Illaa iyo hadda majiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka labaxay Soomaaliland, oo la xiriira safarka lagu wado Muuse Biixi inuu ku tago Itoobiya, warbaahinta qaar ee xogtan tabisay ayaana soo xiganayo ilo wareedyo gudaha maamulka ah, kuwaasoo diiday magacooda in warbaahinta loo adeegsado.
Xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika ayaa sii adkaaneysa marba marka ka dambeysa, waxaana gobolka ka dhismaya gaashaanbuursi iska soo horjeeda oo ku loolamaya awoodda iyo ilaha dhaqaale ee gobolka gaar ahaan badaha, Masar iyo Itoobiya oo uu khilaafaad la xiriira biyo xireenka An-Nahda muda dheer ka dhex taagnaa, ayaana iminka wuxuu khilaafkooda marayaa meel adag.
Dhawaan waxaa magaalada Asmara ee caasimadda Eretria ku kulmay, Siisi oo ah hogaamiyaha Masar, Afwerki iyo Xasan Sheekh Maxmuud, dhinacyada ayaana sheegay iney iska kaashan doonaan amniga iyo difaaca, taasoo ah farriin ku socota Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.