War kasoo baxay dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa lagu sheegay, in qof shacab ah lagu dilay duqeyntii Yahuuddu ka geysteen wadanka Iiraan horaantii todobaadkan.
Wakaaladda wararka Iiraan ee Irina ayaa tabisay in ninka dhintay, uu deganaa Deegaan ku yaala koonfur galbeed magaalada Tehraan ee caasimadda wadanka Iiraan.
Inkastoo aaney bixin wakaaladda tafaasiil dheeri ah oo la xiriira qofka dhintay iyo waxa uu ka qabanayay goobta lagu dilay, hadana waxay tilmaamtay inaanu katirsaneyn ciidamada dalka Iiraan.
Dowladda Iiraan ayaa aad u qarineysa xogta la xiriira duqeymaha ay Yahuuddu ka geysteen dalkeeda, waxaana hogaamiyaha guud ee shiicada Khumeyni, uu kutaliyay inaan la buun-buunin khasaaraha ka dhashey duqeynta, sida uu warka u dhigay.