HomeAll newsTobanaan Tahriibayaal ah oo ku Dhintay Xeebaha Dalka Jabuuti.

Tobanaan Tahriibayaal ah oo ku Dhintay Xeebaha Dalka Jabuuti.[DHAGEYSO]

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in tobannaan ruux oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen xeebaha dalkaas, kadib markii ay la qallibmeen doonyo ay saarnaayeen.

Ugu yaraan 45 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen, doonyaha siday dadka tahriibayaasha ah ee ku qallibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay hey’adda socdaalka uqaabilsan Qaramada Midoobey.

Doonyaha qallibmay oo 2 ahaa ayaa waxaa lasoo warinayaa iney kasoo shiraacdeen xeebaha dalka Yeman, islamarkaana ay saarnaayeen dad tiradooda lagu sheegay 310 ruux.

Waxaa suuragashay in la badbaadiyo 32 kamid ah boqallaalkaas ruux, halka 45 kalana la xaqiijiyay iney geeriyoodeen.

Howlgallo baadigoob ah oo lagu soo badbaadinayo ama haddii ay dhinteen dadka doonyaha saarnaa meydadkooda lagu raadinayo ayaa ka socda xeebaha dalka Jabuuti.

Marar badan waxaa xeebaha dalka Jabuuti oo kamid ah marinnada ay adeegsadaan dadka Tahriibayaasha ah ku qallibmay doonyo nuucaan ah, kuwaas oo sababay dhimashada boqallaal ruux.

Halkaan ka Degso Warka Tahriibayaasha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular