Iska hor-imaad khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay gobalka Wajeer ee ay gumeysato Dowladda Kenya.
Iska hor-imaadkaan ayaa udhexeeyay ciidamada Kenya iyo kooxo ugaarsato ah oo ku nool gobalka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya.
Ugu yaraan 1 ruux oo kamid ah qolyihii wax ugaarsanayay ayaa ku dhintay iska hor-imaadkaan oo si gaar ah kaga dhacay degaanka Ceel-Cadow ee gobalka Wajeer.
Madaxa hey’adda xayawaanada duur-joobta ee NFD, Maxamed Sharma’arke oo ka hadlay iska hor-imaadka ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax udhaceen.