Diyaaradaha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa duqeymo horleh waxa ay ka geysteen qeybo kamid ah gobalka Amxaarada.
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in gobalka Amxaarada ee woqooyiga dalkaas ay ka dhaceen, duqeymo xooggan oo ay fuliyeen diyaaaradaha Droneska ee Dowladda Itoobiya.
Duqeymaha ayaa waxa ay beegsadeen dad rayid ah, waxaana ka dhashay khasaare ka isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadka Amxaarada ah ee ku nool gobalkaasi dhaca woqooyiga Itoobiya.
Dadka ku dhintay duqeymahaan ayaa waxaa kamid ah shaqaale caafimaad, caruur iyo dad waayeello ah, sida ay soo tabisay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya, waxaana goobaha la beegsaday kamid ah isbitaallo iyo guryo ay dadku leeyihiin.
Halkaan ka Degso Warka Duqeymaha Itoobiya