Shirkadda duulimaadka ee Kenya ayaa shaacisay iney joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay sharikadda ayaa lagu sheegay, in gabi ahaanba ay hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Muqdisho laga billaato 14 bishaan October ee hadda socota.
Shirkadda ayaa go’aankan u sababeysay kadib markii ay la kulantay caqabado dhanka howlgallada ah, kuwaasoo aaney sheegin nooca ay yihiin.
Lamao ga waxa uu salka ku hayo go’aanka kasoo baxay shirkadda duulimaadyada Kenya, waxaana laga yaabaa inuu la xiriiro khilaaf soo kala dhexgala Dowladda Federaalka iyo Kenya.