Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay maalintii shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, askar katirsan maamulka la baxay Jubbaland oo ku sugnaa degaanka Buulo-xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka ayaa dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askarta maamulka la baxay Jubaland.
Tirada dhimashada ayaa gaartay 6 askari, kuwaas oo 3 kamid ah meydadkooda laagu soo bandhigay degaan katirsan Jubada-hoose, halka dhaawacuna wuu marayo 11 kale.
Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka kusoo furteen hub iyo saanad millatari, iyagoo oodda ka qaaday maxaabiis xabsiga ugu jirtay maamulka la baxay Jubbaland.
Sidoo kale Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday, fariisimo ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, iyo degmada Xudur ee gobalka Bakool.