War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada dalka Chad ayaa lagu sheegay in khasaare culus uu ka dhashey, weerar maalintii shalay ka dhacday saldhig milliteri oo ku yaala buxeyda Chad.
Warka kasoo baxay madaxtooyada dalka Chad waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 40 askari oo katirsan ciidamadooda lagu dilay weerarka, masuuliyadda weerarka ayayna dusha uga tuureen waxay ugu yeereen argagixsada.
Muxamad Idris Deebi, oo ah madaxweynaha dalka Chad ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqay howlgal milliteri, oo uu tilmaamayo in lagu baadi goobayo ragga fuliyay weerarkan khasaaraha culus lagu gaarsiiyay ciidankiisa.