Dowladaha Hindiya iyo Canada ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf xoogan, kaasoo dhaliyay in labada dhinac uu mid kasta eryo safiiradii u kala joogay New Delhi iyo Toronto, iyo sidoo kale diblumaasiyiin kale oo badan.
Ra’iisul wasaaraha Canada Jaastin Taroodo, ayaa ku eedeeyay dowladda Hindiya iney ka dambeyso fal lagu dilay hogaamiye gooni u goosad siikhi ah, oo ku sugan dalka Canada.
Wuxuu intaa ku daray in muwaadinka Siikhiga ah uu ahaa muwaadin heysta dhalashada dalka Canada, dilkana uu ka dhacya galbeedka dalka, ayna ka dambeeyaan xubno katirsan dowladda Hindiya, gaar ahaan safaaradeeda Canada.
Ra’iisul wasaaraha Canada wuxuu tilmaamay, in dowladda Hindiya ay ku howlantahay fulinta howlo ka dhan ah amniga guud ee dalka Canada, si gaar ahna u ugaarsaneyso muwaadiniinta kasoo jeeda koonfurta qaaradda Aasiya, balse heysta dhalashaa dalka Canada.
Wasiiradda arimaha dibadda Canada ayaa tilmaamtay in go’aan lagu gaaray in dalka laga saaro ugu yaraan 6 diblumaasi oo katirsan dowladda Hindiya, kuwaasoo ay sheegtay iney ku lug lahaayeen dil sanadkii 2023-da loogu geystay Canada, nin u ololeynayay in Hindiya laga dhiso dowladda Siikha u gaar ah, oo ka madax banaan Hindiya inteeda kale.
Dowladda Hindiya oo iyaduna ka jawaabeysa tallaabada ay qaaday Canada, ayaa sheegtay in 6 diblumaasi oo uu kujiro safiirka Canada ee dalkaas ay ku amartay iney isaga baxaan dalkaas, haddii xaalku sii darsadana ay tallaabooyin kale qaadi doonaan.
Baaritaanno ay sameeyeen laamaha amniga ee dalka Canada ayay ku sheegeen iney ku xaqiijiyeen in safaaradda Hindiya ee dalka Canada ay ku lug leedahay dilka hogaamiyaha mucaaradka ah, ayna safaaraddu diiday iney ka caawiso sidii loo heli lahaa natiijo rasmi ah.
Hindiya ayaa waxaa xilligan hogaamiya hogaamiye xagjir ah oo ay ku weyntahay Hinduusnimada, wuxuuna dhibaato ba’an ku hayaa cid weliba oo kasoo hartay hinduuska, dadka ugu badan ee uu dhibaatada ba’an ku hayana waa Muslimiinta.