Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa ku waramaya in kooxda Xuuthiyiinta ay qaaday weeraro lagu beegsadya maraakiib marayay xeebaha dalka Yemen, weeraradaas oo qeyb ka ah dagaalka xagga ah badda ah ee ay wado kooxdan musa sanad ah.
Yaxya Sariic oo ah afhayeenka milliteri ee Xuuthiyiinta ayaa sheegtay iney fuliyeen ugu yaraan saddex weerar oo ka dhacay xeebaha badda Yemen, kuwaasoo ay ku beegsadeen maraakiib kala duwan.
Wuxuu sheegay in weerarada oo loo adeegsaday diyaarado drones ah iyo gantaallo ay ka dhaceen badda Cas, badweynta Hindiya iyo marin biyoodka Baabul Mandab.
Maraakiibta la weeraray ayaa lagu kala magacaabaa SC MONTERAL, Maarsik Kowloon iyo MOTARO, waxaana si rasmi ah loo ogeyn cida iska leh, iyo sidoo kale waxyeellada rasmiga ah ee gaartay.
Hay’adda ganacsiga badda ee Ingiriiska, ayaa dhankeeda sheegtay iney hayaan xogta maraakiib iyo doonyo lagu weeraray xeebaha dalka Yemen.