Maareeyaha guud ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, Maxamed Siciid Cabdullaahi, ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay shirkadda diyaaradaha ee Kenyan Airweys, oo ay ku joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Muqdisho.
Wuxuu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo dhanka ganacsiga, laakiin aaney jirin wax dhibaato ah oo ay shirkadda la kulantay, ama cabasho xagooda kasoo gaartay.
Dhawaan ayay ahayd markii shirkadda duulimaadyada Kenya ay ku dhawaaqday iney joojisay dhamaan safarradii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo taasi u sababeysay caqabado xaga howlgallada ah.