HomeAll newsMaamulka Nuseyriyada oo Xabsiga dhigay Qaxooti kasoo Laabtay Lubnaan.

Maamulka Nuseyriyada oo Xabsiga dhigay Qaxooti kasoo Laabtay Lubnaan.

Iyadoo dalka Lubnaan ay kasoo barakacayaan dad badan oo ay kamid yihiin kuwa horey uga barakacay Suuriya, dibna ugu soo noqonayaan deegaannadooda, ayaa maamulka Nuseyriyada wuxuu wadaa howlgallo raaf ah oo si gaar ah loogu ugaarsanayo dadka kasoo noqday dalka Lubnaan.

Ciidamada ammaanka Nuseyriyada ayaa baraha kontorool ku qabsanaya dadka kasoo laabanaya Lubnaan ee asal ahaan kasoo jeeda Suuriya, iyadoo aan la ogeyn waxa keenaya in si gaar ah loo ugaarsado.

Warbixin ay soo saartay hay’ad sheegta iney u dooda xuquuqul Insaanka, ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay in maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Nuseyriyadu xabsiga dhigeen ugu yaraan 26 ruux oo kasoo noqday dalka Lubnaan.

Dadkan ayaa xabsiyada kula kulmaya xaalad adag iyo jirdil joogta ah, iyadoo mid kamid ah dadka xabsiga la dhigay uu u geeriyooday tacdiibka, waxaana xusid mudan in dadka la xiray ay kamid yihiin haween.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka kasoo tallaabay xad beenaatka Lubnaan iyo Suuriya, ee kasoo cararay colaadda Lubnaan ay gaarayaan 430 kun oo ruux, kuwaasoo 70% ah dad Suuriyaan ah, halka inta soo hartayna ay Lubnaan kasoo jeedaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular