HomeAll newsMaamulka Oromiya oo Billaabay Inuu Xoog ku Dhisto Dhulka Soomaalida.

Maamulka Oromiya oo Billaabay Inuu Xoog ku Dhisto Dhulka Soomaalida.[DHAGEYSO]

Maamulka Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu dhisme ka billaabay dhulka ay Soomaalidu leeyihiin.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay maamulka Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa billaabay, inuu dhisto dhulka ay Soomaalidu leeyihiin oo ku yaalla Mandiqaddaas.

Laba isbuuc ka hor ayay isku dayeen iney dhisaan dhul ku yaalla duleedka Mandiqadda Mambaas ee xarunta degmada Gursun, balse maleeshiyaadka degaanka oo hubeysan ayaa ku baxay ciidankaas, waxaana dagaal kooban kadib ay ku guuleysyeen iney kala ceyriyaan.

Balse 2 todobaad kadib ayay soo rogaal celiyeen, iyagoona halkaada kasii waday dhismaha, maamulka Oromiya ayaana wax war ah kasoo saarin arrintaan, isagoona amar ku bixiyay inaan loo dhaqaaqi karin dhismayaasha la dhisayo.

Halkaan ka Degso Warka Maamulka Oromiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular