Iyadoo weli uu taaganyahay khilaafka u dhexeeya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Abiy Axmed, ee salka ku haya is-afgaradkii ay gaareen maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi iyo Itoobiya, ayuu maamulka Soomaaliland sheegay inuu dhigax dhigay safaaradda ay ku yeelan doonaan dalka Itoobiya.
Wasiirka arimaha dibadda maamulka labaxay Soomaaliland Ciise Keyd, ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Adis Ababa inuu dhegax dhigay safaaradda maamulkiisu ku yeelan doono magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayuu sheegay wasiirka arimaha dibadda maamulka labaxay Soomaaliland iney ugu deeqay dhulka ay ka dhisanayaan safaaradda, ayna noqon doonto safaaraddii ugu horeysay ee uu maamulka Soomaaliland ku yeesho dibadda marka ay Itoobiya u aqoonsato inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.
Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo la xiriira dhegax dhiga safaaradda maamulka Soomaaliland ee Adis Ababa, warbaahinta dowladda Itoobiyana ma baahin warkan, sidoo kale Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh dhankeedana wax war ah kama soo saarin arintan.
Horaantii bishii Janaury ee 2024-ka, ayaa Muuse Biixe iyo Abiy Axmed waxay kala saxiixdeen is-afgarad ay ku sheegeen in Itoobiya lagu siinayo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, halka dowladda Xabashida Itoobiya iyaduna u aqoonsaneyso maamulkan inuu yahay dal ka madax banaan Soomaaliya.