Saacadihii lasoo dhaafay gaar ahaan habeennimadii xalay, diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa duqeymo culus ka geystay magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, kuwaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Xaafadda Al-Awzaaci ee dhacda Daanta koonfureed ee Beyruut ayaa kamid ah goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen, waxaana duqeyntu geystay waxyeello kala duwan oo isuga jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur.
Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay duqeynta, halka tiro kale oo aad u badanna ay dhaawacmeen, waxaana jira dad ku hoos jira burburka dhismayaasha, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Faransiiska.
Duqeymahan ayaa kusoo aadaya iyadoo saraakiisha maamulka Yahuudda ay ku goodiyeen iney sii wadi doonaan duqeymaha Beyruut, iyagoo sheegay in ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah, uu weli saldhigyo ku leeyahay Daanta koonfureed ee Beyruut.
Isbitaalka As-Saaxil ee kuyaala bartamaha Beyruut ayay Yahuuddu sheegeen, in ururka shiiciga ah ay deganyihiin isbitaalka hoostiisa, halkaasoo ay ku leeyihiin xarumo lagu keydiyo dhaqaalaha.
Isbitaalka iyo dadka ku nool ayuu afhayeenka ciidamada Yahuudda Danial Hagaari ku amray iney si deg-deg ah ku faarujiyaan, ayna qorsheynayaan iney ku beegsadeen duqeymo culus.
Hase ahaatee maamulka isbitaalka As-Saaxil, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Yahuudda, iyagoo sheegay in isbitaalku yahay goob loogu shaqeeyo dadweynaha shacabka ah ee xanuunsan iyo kuwa dhaawacyada qaba.