HomeAll newsMaamulka Yahuudda oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Iiraan.

Maamulka Yahuudda oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Iiraan.

Weerarkan oo ahaa mid ay Yahuuddu uga jawaabayeen gentaallo ay dhawaan ku weerartay iiraan, ayaa bartilmaadeedkiisu ahaa saldhiyo ciidan oo ku yaalla Iiraan, sida ay sida lagu sheegay wax war kasoo baxay taaliska ciidanka yahuuddu.

Gantaalladan ayaa la rumeysan yahay in qaarkood ay ku dhaceen gudaha magaalada Dhahraan, maadaama muuqaallo laga soo duubay magaalada lagu arkayay qiiq iyo uuro cirka isku shareeray, Yahuuddu waxay sheegeen iney weerarkan u adeegsadeen diyaarado kuwa dagaalka ah, islamarkaana beegsadeen dhaamaan goobihii bartilmaameedka u ahaa, kadiban waxay sheegeen iney si nabad ah kusoo laabteen sida ku xusan warka kasoo baxay.

Xuukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo dhankeeda ka hadashay weerarka ayaa sheegtay iney iska kahortagtay weerarka yahuudda.

Majiraan illaa iyo hadda wax khasaare ah oo laga soo tebiyay weerarkan, waxayna wararku sheegayaan in goobaha la beegsaday ay si gaar ah udhacaan Galbeedka iyo Koonfurta Dhahraan.

Weerarka ay saakay qaadda Yahuudda, ayaa ahaa mid ay horay usii sheegtay, mana muuqato saameyn badan oo ka dhalatay maadama Iiraanba ay ogeyd in lagu soo maqan yahay goorey ahaataba.

Mas’uul u  hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka wuxuu sheegay, in jawaabta Yahuudda ay halka ku egtay, haddii Iiraan ay tallaabo kale qaadan uu Mareykanku difaaci doono yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular