HomeAll newsMadaxweynaha Eretria oo ka Hadlay Colaadda Dalka Suudaan.

Madaxweynaha Eretria oo ka Hadlay Colaadda Dalka Suudaan.

Siyaas Afwerki oo ah madaxweynaha dalka Ereteria, ayaa waraysi uu siiyay wariyaal ka socda dalka Suudaan, waxa uu kaga hadlay arimo la xiriira colaadda dalka Suudaan.

Wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Suudaan ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye, oo leh dano siyaasadeed, isagoo tilmaamay iney lama huraan tahay in awoodda la isugu geeyo sidii loo soo afjari lahaa colaadaas.

Bil kahor inta aanu qarxin dagaalka Suudaan, waxaa dalka Eretria booqasho ku yimid hogaamiyaha RSF Xamiidti, kaasoo markii ugu horeysya Afwerki uu ka sheekeeyay waxa dhexmaray.

Wuxuu tilmaamay inuu weydiiyay waxa ku riixaya colaadda uu u hayo hogaanka milliteriga Suudaan, laakiin aanu siinin jawaab cad oo lagu qanci karo.

Xamiidti ayaa Afwerki u sheegay iney la gudboontahay Suudaan xiriir ay la yeelato maamulka Yahuudda, si ay uga helaan taageero la xiriira xaga wax soo saarka, sida uu warka u dhigay Xamiidti.

Mar Afwerki su’aal laga weydiiyay waxa hogaanka milliteriga Suudaan ay uga soo qeybgeli waayeen kulankii saddex geesoodka ahaa ee dhawaan ka dhacay Asmar,a kaasoo dhexmaray Dowladda Federaalka, Masar iyo Eretria, ayuu Afwerki sheegay in Suudaan ay qeyb ka tahay isbaheysigaas, martina aaney ka ahayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular