Malleeshiyaadka Macwiisleyda ee ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa sheegay iney dayacaad daran ku jiraan, iyagoo sheegay in Dowladda Federaalka iyo maamulka labaxay Galmudug aaney ka warqabin.
Nin u hadlay malleeshiyaadka Macwiilseyda ee jooga Xarardheere ayaa sheegay, in marar badan ay cabasho u gudbiyeen Xasan Sheekh Maxmuud, wax jawaab ahna aaney ka helin.
Codka labaad, wuxuu ku sheegayaa in Xasan Sheekh Maxmuud uu xaliyay tabashadii ay qabeen malleeshiyaad ay isku beel yihiin, oo ku sugan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Malleeshiyaadkan cabanaya oo uu horkacayo nin lagu magacaabo Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiyihii hore ee Xarardheere, ayaa lagu soo waramayaa iney isaga baxeen magaalada.