Maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ayaa gudaha ugalay magaalada Bahar Dar ee caasimadda gobalka Amxaarada.
Habeenkii xalay maleeshiyaad hubeysan oo katirsan FANO ayaa weeraro qaraxyo ku billawday waxa ay ku qaadeen, magaalada Bahar Dar ee caasimadda gobalka Amxaarada.
Goobaha ay beegsadeen maleeshiyaadka ayaa waxaa kamid ah, xarunta warbaahinta ee dowladda Xabashida Itoobiya ku leheed magaalada iyo xarumo kale oo dhowr ah.
Illaa iyo hadda lama hayo tafaasiil rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarada ay maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ku qaadeen magaalada Bahar Dar.