HomeAll newsMalleeshiyaadka RSF oo Gumaad Wuxuushnimo ka Geystay Gobolka Al-Jaziira.

Malleeshiyaadka RSF oo Gumaad Wuxuushnimo ka Geystay Gobolka Al-Jaziira.

Kooxda AD-Dacmu As-Sariic ee dagaalka kula jira dowladda Suudaan, islamarkaana ay taageerto xukuumadda Imaaraadka Carabta, ayaa xasuuq bahalnimo ah ka geystay wadanka Suudaan ee dhaca qaaradda Africa.

Waxa kabadan tuulo oo ku yaalla Bariga gobolka Al-Jaziira ee bartamaha Suudaan, ayey weeraro ku qaadeen, waxayna halkaasi ka geysteen dilal, iyo afduub iyo kufsi wada jira oo ay kula kaceen haweenka iyo lacago madax furasho ah oo ay dadka ka qaadayaan.

Illa aiyo 20 kiis oo kufsi ah ayaa la sheegay iney dumarka kula kaceen malleeshiyaadkan, waxaana intaasi sii dheer dilka dad ka badan 300 oo ruux.

Waxaa intaasi sii dheeraa baracinta qasabka ah ee ay dadka ku sameynayeen iyo lacagaha tirade badan ee madax furashada ah oo dadka lacag qaadayay.

Dadka waxay ka qaadayeen lacago madax furasho ah oo gaaraya kumanaan doolar iyagoo muuqaal ka duubaya qofkii siiya lacagta ay rabaan.

Mid kamid ah dadkii ay afduubteen ayey ka dalbadeen lacag dhan (1,000) kun Doolar wuuna siiyay, weyna siidaayeen.

Qof kale oo kamid ah dadka ay afduubteen ayey ka dalbadeen waxay ka dalbadeen (19,000) sagaal iyo toban kun oo Doolar.

Malleeshiyaadkan ayaa ciidanka Suudaan kala wareegay magaalada Tambol isla gobolkaasi, waxayn halkaasi ku dileen 300 oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Dadka ku nool magaalada baahi awgeed ayay banaan ugu soo baxayeen kadib markii ay halleeshiyaadkan guryahooda ku go’doomiyeen maalmo  xiriir ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay malleeshiyaadkan xasuuq wadareed ka geystaan dalka suudaan, dad aad ubadan ayeyna laayeen inta ay dagaalladu socdaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular