Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud iyo Maraykanka, ayaa kala saxiixday heshiis ku qotoma arimaha dhaqaalaha iyo waxbarashada, kaasoo halis ku ah umadda Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa waxaa dowladda Xasan Sheekh u saxiixay Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-Beene) iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo labaduba ah rag heysta dhalashada Mareykanka iyo Kanada, halka Mareykanka uu heshiiska u matalayay Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya kobcinta kobaca dhaqaalaha, dib u habeynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, iyadoo la waafajinayo aragtida Soomaaliya ee adkeysiga iyo joogtaynta.
Mareykanka ayaa waxa uu heshiiskan u sahli doonaa sida ku cad qodobada inuu ka faa’iideysto in ka badan 150,000 oo carruur ah kuwaasoo la doonayo in iyagoo Soomaaliya ku dhashay laga dhigo caruur Mareykan ah, dariiqa loo marayo ee dhaqaalaha intiisa badan uu ku baxayana waa kan tacliinta iyo waxbarashada.
Dhaqaalaha uu Mareykanku bixinayo ayaa waxaa lagu dayactirayaa sida heshiiska lagu sheegay in ka badan 200 oo fasal oo caruurtaas lagu barayo tacliinta ameerikaanka si ay mustaqbalka u noqdaan Baankaraaf qalin ku hubeysan oo cabsan caqliga iyo caqiidada Washington.
Hogaamiyaha USIAD, Ms. Catie Lott. Mar uu cabirayay sida uu Mareykanku faa’iido ugu yahay heshiiskan haddii dhaqan galo ayaa waxa uu yiri: “Heshiiska deeqdani waxa uu ka tarjumayaa iskaashiga Maraykanka iyo Soomaaliya, dhisidda adkeysiga, xasilloonida, iyo awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka,” ayuu yiri.
Dowladda Federaalka ayaa nooc walba oo shisheeyaha ah u saxiixeysa heshiis wixii ay soo bandhigtaan iyadoo aan ka eegeyn saameynta uu heshiiskaas ku yeelanayo diinta, dhaqanka, dhaqaalaha iyo horumarka ummadda.