Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in markale ay diyaaradaha dagaalka ee Dowladaha Mareykaka iyo Ingariiska duqeymo ka geysteen dalka Yeman, gaar ahaan magaalada Al-Xudeyda ee galbeedka dalkaas.
Duqeymaha oo 2 gaarayay ayaa waxa ay beegsadeen, mandiqad lagu magacaabo Ra’sa Ciisa oo ku taalla magaalada Al-Xudeyda, iyagoona waxyeello geystay.
Warbaahinta taabacsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaanan illaa iyo hadda baahin, khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen duqeymaahaan ay Mareykanka iyo Ingariiska markale ka geysteen dalka Yeman.
Geesta kale waxa ay kooxda Xuuthiyiinta shgaaicsay, iney weerar la beegsatay markab isticmaalayay xeebaha Badda Cas.
Afhayeenka millatariga ee kooxda ninka lagu magacaabo Yaxya Sariic ayaa sheegay, in diyaarad Drone ah ay ku weerareen Markabka, islamarkaana ay waxyeello gaarsiiyeen.