Sirdoonka Maraykanka ayaa Sheegay in Dowladaha qaar ay isku dayayan iney faragelin ku sameeyaan doorashada madaxtnimada ee dhawaan ka dhici doonta dalkaas.
Masuul katirsan sirdoonka dalka Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan ay isku dayayaan iney faragelin ku sameeyaan doorashada madaxtnimada, ee todobaadyo kadib la filayo iney ka qabsoonto dalka Maraykanka.
Sarkaalkan oo diiday in magiciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay, in dowladaha saddexda ah ay aad isugu howlayaan sidii balbalo looga abuuri lahaa gudaha dalka Maraykanka, taasoo salka ku heysa natiijada doorashada madaxtnimada.
Inkastoo uu sheegay inaaney awoodi karin faragelin saameyn karta natiijada doorashada, hadana wuxuu sheegay iney abuuri karaan xaalado kacsanaan ah, oo dhalin karta in dalka uu dareemo qulqulato siyaasadeed oo la xiriirta doorashada.
“ Weli dowladaha Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan waxay isku dayayaan iney huriyaan kala qeybsanaanta shacabka Maraykanka, iyagoo mugdi gelinaya kalsoonida shacabka Maraykanka ee hannaanka nidaamka dimuqraadiga” ayuu yiri sarkaalkan katirsan Sirdoonka Maraykanka ee warbaahinta la hadlay.
Wuxuu intaa ku daray sarkaalka Maraykanka ah, inaaney ahayn oo keliya Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan jihooyinka isku dayaya, iney saameyn ku yeeshaan doorashada Maraykanka, balse ay jiraan dhinacyo kale oo aan dowlado ahayn, balse saddexda dowladood ay yihiin kuwa ugu muuqda.
Dhawaan ayaa la filayaa in dalka Maraykanka ay ka dhacdo doorasho madaxtnimo, oo ay ku tartamayaan Kamala Harris iyo Donald Trump, oo ka kala socda xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ah.