Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa tilmaamaya, in ciidanka booliiska magaalada Washington ay xabsiga dhigeen boqollaal ruux, oo dhigayay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan dagaalka Yahuudda ee Qazza.
Dadka bananabaxyada dhigayay ayaa watay boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ka dhan ah xasuuqa Qazza, iyagoo ku qeylinayay iney lama huraan tahya in la joojiyo xasuuqa Yahuudda ee Qazza iyo maalgelinta Maraykanku la dhianc taaganyahay.
Dadka la xiray ee ay qabteen ciidamada booliiska ayaa tiradoodu waxay kor u dhaafeysaa 200 oo ruux, waxaana laga qabtay afaafka hore ee xarunta sarrifka lacagaha ee magaalada Washington.
Dowladda Maraykanka ayaa taageereysa xasuuqa Yahuudda ee Qazza, waxaana canshuurta laga qaado muwaadiniinta Ameerikaanka ah lagu laayaa caruurteenna ku nool Qazza, ee go’doonsan mudada dheer.