Odayaasha dhaqanka ee ku nool deegaannada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay deegannadaasi ku hayaan ciidamada Maraykanka daacadda u ah ee Danab, kuwaasoo mararka qaar weeraro habeen dheelmad ah ku qaado deegaannada nabdoon.
Odayaasha oo u waramay warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, ayaa tilmaamay in ciidanakn loo carbiyay dhibaateynta dadka shacabka ah, ayna mararka ay soo duulaan geystaan dhibaatooyin kala duwan, oo ay kamid tahay argagax gelinta caruurta iyo haweenka.