Ururka Midowga Yurub ayaa ka walaacsan ka mid noqoshada ciidanka Masar ee howlgalka cusub oo ay qorsheynayaan inuu Soomaaliya ka bilowdo 2025.
Walaaca uu ka qabo masar ayaa ku aaddan ciidanka Itoobiya ee iyaguna howlgalka qeyb ka noqonaya, islamarkaana ay isdiidanyihiin askarta Masaarida sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed.
Dowladda Fedaraalka ayaa dhankeeda walaac iyo walbahaar waxaa ku riday, cidda hogaamindoonta howlgalkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacin.